Puntland Oo Cadeysay Mowqifkeeda Doorashada Soomaaliya

 

02-06-2020

 

Garoowe – Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo xalay ka hadlayay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa diiradda ku saaray hadalkiisa doorashada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Arrimaha doorashada iyo khilaafka Siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda ayuu tilmaamay in ay saameyn ku yeelanayaan doorashada soo socota haddii aan xal buuxa laga gaarin.

Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan raali ka noqon doonin sharciga doorashooyinka oo uu tilmaamay in aan laga talagelin Puntland.

Xildhibaanada iyo wasiirada Puntland ku metela dowladda dhexe waxa uu shaaciyay in aysan ka aqabali doonin metelaad aan sax aheyn iyo in ay u qaadan sharciga doorashooyinka ee aan la tashiga lagala sameyn Puntland. – Radio Dalsan

Leave a Reply