Nin Caan Ka Ahaa Magaalada Baydhabo Oo Caawa La Dilay

 

30-06-2020

 

Baydhabo – Dabley hubeysan ayaa caawa Magaalada Baydhabo ku dishay Allaha u naxariistee Shariif Mukhtaar, oo si weyn looga garanayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dableyda ayaa waxay marxuumka oo curyaan ahaa ku dhex dileen hoyga uu ka deganaa Xerada Albaraka, oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Aadan Caliyow oo ka mid ah dadkii garanayay marxuumka ayaa sheegay in dableyda ay si xun u dishay, kadib markii ay gudaha ugu galeen hoygii uu ka deganaa magaalada.

“Waxay ahayd dhacdo xanuun badan runtii. Nin curyaan oo masaakiin ah ayaa la dilay. Curyaan markaan ku leeyahay waxaan ugala jeedaa lugo ma lahayn. Niman qoryo watay ayaa gurigiisa ugu galay, wayna ku dileen. Si naxariis darro ah ayay welibana u dileen, goobtana way ka baxsadeen”, ayuu yiri Aadan Caliyow.

Waxa kaloo intaa ku daray “Anaga waxa loo dilay ma sheegi karno, aan ka ahayn inuu ahaa Gudoomiyaha Kaamka Albaraka, oo ku yaalo Airport-ka Baydhabo geeskiisa.”

Shariif Mukhtaar ayaa sidoo kale ahaa Gudoomiyaha Ururka Naafada ee Magaalada Baydhabo, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka ayaa ka hadlin dilkan caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo, waxaase uu ku soo aadayaa, xilli lagu mashquulsan yahay dabaal-degga Munaasabadda 1-da Luulyo, oo saqda dhexe ee caawa ku beegan. – Universal TV Somali

Leave a Reply