Nabadoon Can Ahaa Oo Xalay Lagu Dilay M/ Kismaayo

 

18-06-2019

 

Kismaayo – Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xalay Nabadoon caan ahaa ku toogtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Ibraahim Xasan, kaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanada maamulka Jubbaland.

Raggii ka dambeeyay dilkiisa ayaa lagu soo warramayaa in ay si aayar ah uga baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in tiro dad ah oo la tuhmayo ay gacanta ku dhigeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay dilka Nabadoonkaasi.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu horreyn ka tacsiiyey geerida Marxuumka, waxaan uu faray laamaha ammaanka inay soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ammaanka Kismaayo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo xoogan ka waday Ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply