Nabaddoon Lagu Dilay Gobalka Bay

 

18-02-2020

 

Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Buurahakaba ee Gobolka Bay ee dowlad gobaleedaka Koofur Galbeed ku dilay nin ka mid ahaa Nabaddoonnada sida weyn looga yaqaanay degmada.

Nabaddoon la dilay ayaa magacaabi Jiray Malaaq Maxamed Ooye Ibrahim oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee degmadaasi, wararka ayaa ntaas ku daraya in rasaas dhowr ah oo ku dhacday uu dhaawac ka soo gaaray ka dibna uu u geeriyooday Nabaddoonka.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamada ammanka oo bilaabay baaritaanno ay ku baadi goobayaan qoladii dilka geysatay lakiin lama sheegin cid loo soo qabatay dilka ka dhacay Buurhakaba.

Maamulka degamada ayaa markii dambe shaaciyey geerida Nabaddoon Malaaq Maxamed Ooye Ibraahim. Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed ayaa bulshada degmadatan iyo gobalka Bay uga tacsiyeeyey geerida Nabaddoonka. – Goobjoog News

Leave a Reply