Musharixiinta Jubbaland Oo Ku Gacanseyray Liiska Xildhibaannada Cusub Ee Lagu Dhawaaqay

 

13-08-2019

 

Kismaayo – Musharixiinta xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa qaadacay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay liiska xildhibaannada cusub Jubbaland oo xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah musharixiinta Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad, isla markaana gebi ahaanba aysan aqoonsaneyn shaqa kasta oo ay qabtaan Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Isaga oo wareysi siinayay Laanta VOA ayuu sheegay in soo xulista xildhibaannada cusub ee Jubbaland ay shaqadooda aheyd Odayaasha Dhaqanka Beelaha, balse qaabka hadda loo soo xulay uu yahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Jubbaand.

Musharax Sheekh Shakuul ayaa intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland laga saaray liiska Odayaasha loogu talo galay inay soo xulaan Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland, isaga oo dhaliil u jeediyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal sida ay u aragto liiska xildhibaannada Jubbaland ee lagu dhawaaqay inkastoo Wasaarradda Arrimaha Gudaha horay u sheegtay mowqifkeeda ku aadan doorashada guud ahaan Jubbaland. – Hiran Online

Leave a Reply