Muqdisho: Ciidanka Somalia oo Dilay Labo Shacab ah

 

13-04-2019

 

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay banaanbax ay oogayeen boqolaal dhalinyarada ku shaqeysta mooto bajaajta, kuwaas oo ka cabanaya dilalka ay ciidamada dowladda u geystaan dhalinyaradan oo soo kordhaya.

Kii u dambeeyey ayaa maanta dhacay, kaas oo ay ciidamadu ay u geysteen wiil bajaajle ah iyo abtigii oo mootada la saaraa.

Banaan baxyadan oo rabshado watay oo dhalinyarada dhigayay ay gubayeen taayaro ayaa waxey sidoo kale kaga cabanayeen – jidadja xiran oo caqabad ku ah shaqadooda iyo canshuuro aysan awoodin oo joogto oo looga qaado.

Wariyaha VOAda Xassan Kaafi Cabdriaxmaan Qoyste ayaa warbixintan nooga soo diray.

Dhageyso Xaaladda Muqdisho

– VOA Somali News

Leave a Reply