Mucaaradka oo ku guuleystay Doorashada Duqa Istanbul

 

25/06/2019

 

Guusha xisbiga mucaaradka ee doorashada duqa Istanbul ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah loo shaaciyay Isniintii, iyadoo falan qeyayayaal ay sheegayaan in taasi ay muujineyso in dalka ay ka dhici karto doorasho si weyn loogu tartamo.

Guusha musharixii mucaaradka Ekrem Imamoglu ayaa waji gabax xooggan ku ah madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar ayaa loo arki jirey in aan looga badin karin doorasho codeyn ah, Balse, hadda guul darradani waxay tahay mid shaqsi iyo mid siyaasadeedba intuba.

Hoos u dhaca laga dareemay taageerada xisbigiisa loo hayo ayaa caddeyn u aheyd degmada Uskudar ee Istanbul taas oo dhinaca Asia xigta, waxana ay aheyd halka Erdogan uu si shaqsi ah u deganaa iyo goob ay aad ugu xoogganaayeen taariikhiyan xisbigiisa AKP.

Kobaca xisbigiisa AKP ayaa xuddun u aheyd guushii duqa magaalo ee ay ku guuleysteen 1994-kii. – VOA Somali News

Leave a Reply