Midowga Yurub oo wakiil cusub u soo magaabay Soomaaliya

 

03/06/2019

 

Muqdisho – Ururka Midowga Yurub ayaa Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, waxaana maanta warqadaha safiirnimo ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad ayaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku qaabilay wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Midowga Yurub uu xiriir dhow la leeyahay Dowladda Soomaaliya, isagana ku qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee laba dhinac ka dhaxeeya.

Intii munaasibadda guddoomidda waraaqaha safiirnimo ay socotay ayaa waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, dib u heshiisiinta, Amniga, iyo dabagalka heshiisyadii ay horay u kala saxiixdeen. – Baidoa News

Leave a Reply