Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukuno sanado ah ku riday laba nin oo Shabaab lagu eedeyay

10 Oktoobar, 2018

 

Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdiczaziiz iyo Wartanabadda.

Eedeysanaha koowaa ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015 gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1).

Intii uu joogay Shabeelah Dhexe ayuu ku fashilmay isku dayo dhowr ah oo loo diray balse waxaa loo soo bedelay magaalada Muqdisho, waxaana loo diray shaqa kale oo ku saabsan indha-indheynta goobaha dadka isugu yimaadaan ee ku dhirirsan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale qiray in uu aqoon u leeyahay eedeysanaha labaad Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ay ka wada tirsanaayeen maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsanaayeen hal koox oo ay ku sheegeen in uu horjoogahooda joogo halka loo yaqaan Sabiid, waxa uu qiray in ay wada degnanaan jireen degmada Kaaraan balse Gacal uu isku qariyo shaqada tima jaraha, Maxamed Cabdi Salaad Nuur oo ah eedeysanaha koowaad ayay ciidamada amniga soo xireen 13-ka Bishii labaad (2)- ee sanadkan.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana Gacal Maxamed Cali Maxamed Saddex sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. – Universal Somali TV

Leave a Reply