Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Kala Duwan Ku Ridday Askar Geysatay Dhimasho & Dhaawac

 

07-12-2019

 

MUQDISHO (SONNA) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan oo isugu jiray dil iyo xabsi ku ridday Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo ka wada tirsan ciidamada Boliiska, ka dib markii ay rasaas ku fureen moto Bajaaj ay la socdeen laba hablood oo walaalo ah.

Falkaasi oo 7-dii bishii sagaalaad ee Sanadkan ka dhacay bar koontorool oo ay joogeen ciidamo boliis ah, waxa ku dhintay Istar Axmed Cabdulle, halka uu dhawac ka soo gaaray Faadumo Axmed Cabdulle.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa dil tooasho ah ku xukuntay Xasan Xuseen Maxamed, halka shan sano oo xabsi ah lagu riday Xasan Muuse Warsame iyo in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle

Guddoomiyaha Maxkamadaa Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi ay qaadan karto codsi Racfaan xukunka kadib. Muddo Sodon Cisha.

Leave a Reply