Maxkamadaa ciidamada qeybta 60-aad oo dhageysatay dacwad loo heysto eedeysane al-Shabaab ah

 

18-01-2020

 

Beydhabo (SONNA) – Maxakamada darajada 1-aad ee CQS ee ciidamada qeybteeda 60- aad ayaa maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heysto eedaysane Siid Cali Suurad Macalin Cabdi, kaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta ay ku soo oogtay in uu masuul ka ahaa qaraxyadii Mataanaha ahaa ee 13/10/2018-kii ka kala Dhacey gudaha Magaalada beydhabo.

Xeer Ilaalinta Maxakamada darajada 1-aad ayaa kulankii maanta ku soo bandhigay qiraalka eedaysanaha iyo markaatiyaal caddeeyay in uu kamid yahay Kooxaha wax dhakra, waxeyna maxakamadda ka codsadeen in ninkaasi la mariyo ciqaabta ku haboon.

Eedeysanahaasi ayaa qirtay in uu wax badan ka ogaa Labada Qarax ee ka kala dhacay maqaayadaha Badar, halkaas oo ay ku nafwaayeen inka badan 26 Ruux, ayna ku dhaawacmeen 55 ruux kale.

Madaxda Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada qeybta 60-aad ayaa sheegtay in dhowaan la soo bandhigi doono natijada xukunka eedeysanahaasi.

Leave a Reply