Mareykanka oo duqeeyey Kuunyo Baroow

09/10/2018

 

Ciidamada milatariga ee Marayanka ayaa sheegay inay duqayn hor leh ka gaysteen deegaanka Kuunyo Baroow ee Gobolka Shabeellada Hoose maalintii Sabtidii.

Duqaynta ayaa taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ay sheegeen in lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabab, waxaana AFRICOM sheegtay oo kale inaan cid rayid ah wax ku noqon weerarkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 25-aad ee sannadkan ay gaysteen Maraykanka, kuwaasi oo dhammaantood lala beegsaday Al-Shabab. – VOA Somali News

Leave a Reply