Maraykanka oo cambaareeyay dilkii loo geystay weriye Cabdiwali Cali Xasan

 

20-02-2020

 

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si xoogan u cambaareysay dilkii 16-kii Febraayo loo geystay wariye Cabdiwali Cali Xasan, dilkaas oo ka dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Abdiwali wuxuu ahaa wariye madaxbanaan oo u shaqeeynayay Radio Kulmiye iyo Universal TV. Mareykanka wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray xaaskiisa , caruurtiisa, qoyskiisa iyo asxaabtiisa.

Maraykanka waxa uu walaac ka muujiyay dhibaatada ay weriyayaasha Soomaaliyeed ku qabaan amni xumada ay ku shaqeeyaan.

“Mareykanku wuxuu la garab taagan yahay dhammaan Soomaalida si ay u difaacaan xuquuqda aan loo dulqaadan karin ee xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka. Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in la soo afjaro dhaqanka ciqaab la’aanta,” ayaa lagu yidhi qoraalka safaaradda. – HOL

Leave a Reply