Mahad Salaad “Muddo 10 bilood ayuu Madaxweyne Farmaajo barkanaa Sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa”

 

21-09-2019

 

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa su’aalo ka keenay saxiixii Madaxweyne Farmaajo ee Sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo maanta lagu saxiixay Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Villa Somalia.

Mahad Salaad ayaa sheegay in sharcigan uu barkanaa Madaxweyne Farmaajo muddo 10 bilood, waxaana uuis weydiiyay waxa maanta ku soo beegay ee soo kordhay.

“Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxweyne Farmaajo maanta saxiixay, Golaha Shacabka wuxuu ansixiyay 13 Nofeember 2017, Aqalka Sare wuxuu ansixiyay 05 Diseembar 2018. Kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay si uu u saxiixo”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad, Muddo 10 bilood ah ayaa Madaxweyne Farmaajo barkanaa sharcigaan, kumana soo celin Goleyaasha Barlamaanka si wax looga badalo mana saxiixin.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa saddexdan su’aal ee hoos ku qoran ka keenay:-

1. Maxaa soo kordhay oo saxiixa sharcigaan maanta kusoo beegay?

2. Guddigaan malagu soo xuli doonaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo mise wuxuu noqon doonaa gudi loogu talogalay doorashada 2021 si dadka qaar Madaxweyne Farmaajo looga reebo?

3. Madaxweynaha oo muddo xileedkiisa ay ka harsantahay sanad iyo afar bilood oo kaliya gudi uu soo dhiso maxaa wanaag ah oo laga filan karaa?

– Jowhar News

Leave a Reply