Magacaabis Iyo Xil Kaqaadis Uu Sameeyay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya

16 Agoosto, 2018

Muqdisho (WBW: The GBM) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo waramayaa in lagu sheegay ‘Magacaabis Iyo Xil Kaqaadis’ uu sameeyay.

Warka wuxuu ku darayaa in la magacaabay xubnaha soo socdo:

1. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya waxaa loo magacaabay Dr. Aamina Siciid Cali.

2. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa loo magacaabay Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe).

3. Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa loo magacaabay Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, kadib markii laga dalacsiiyay Gaashaanle Dhexe.

4. Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin.

5. Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaa loo magacaabay Sareeye Guuto Siciid Axmed Kediye .

6. Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxaa kale oo loo magacaabay Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed, kadib markii iyadane laga dallacsiiyay Gaashaanle Sare.

7. Taliyaha Ciidanka Bada waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Xasan Nuur Col-Ujoog.

Warka wuxuu kusii darayaa in xilalkoodii laga qaaday xubnaha soo socdo:

1. Ku-xigeenkii Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sareeye Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla.

2. Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa had iyo goor lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply