Madaxweynihii hore ee Galmudug oo lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho

 

23/08/2019

 

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo dalka uga maqnaa howlo kala duwan oo arrimo caafimaad ay ka mid aheyd.

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana la filayaa inuu dhowaan gaaro deegaanada Galmudug oo ay ka socdaan dadaalo la doonayo in maamul mideysan lagu dhiso.

C/kariin Guuleed oo dhowaan shaaciyay inuu siyaasadda dib ugu soo laabtay, gaarna ka noqday saaxibadiisa ay muddo isku dhinac ka ahaayeen siyaasadda.

Mr Guuleed ayaa sheegay inuu Xisbi Siyaasadeed uu dhisi doono, isla markaana damac badan uga jiro doorashada soo socota ee 2020 inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweyne, inkastoo aanu si rasmi ah u shaacin hankiisa. – Jowhar News

Leave a Reply