Madaxweyne Farmaajo oo u hanjabay Banaanbaxayeyaashii Shalay

 

14-04-2019

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hanjabaad u diray dhalinyaraddii shalay banaanbaxyadda ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Haween iyo Carruur la iskugu keenay xarunta degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo sharci daro ah, islamarkaana la doonaayo in lagu burburiyo dalka.

Waxaa uu digniin iyo Hanjabaad u diray dadka banaanbaxyadda sameeya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ka qaadi doonto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Cidkaste oo dowladda kasoo horjeedda ay la dagaallami doonto. – Baidoa News

Leave a Reply