Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Xoghayaha Guud ee IGAD

 

18-02-2020

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Xoghayaha Guud ee IGAD iyo wafdigiisuba kulan maamuuseed ugu fidiyay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayaha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyay in uu ka miro-dhaliyo qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan. – Universal TV Somali

Leave a Reply