Madaxweyne Farmaajo oo ku jees jeesay Xildhibaanaddii Mooshinka ka keenay (Kooxdii Qabyo…)

 

15-01-2019

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si jees jees iyo kaftan ku jirta ku weeraray Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay bishii December ee sanadkii hore, kaasoo dalka geliyay qalalaase siyaasadeed oo sababay in Fadhiyada Baarlamaanka uu hakad galo.

Khubad uu xalay ka jeediyay Munaasabad casho sharaf aheyd oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4aad ayuu markii u horeysay kaga hadlay Mooshinkaas oo maalmood kaddib wada hadal iyo is afgarad laga gaaray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in markii uu maqlay Mooshin in laga keenay uu wacay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, una sheegay inay ka dambeeyaan Kooxdii Qabyo

“Waxaa dhahay Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, see wax u yihiin, wuxuu i yiri waa i hor-yaalaa aan kugu soo celiyo, warqadihii ayuu kala rogay, wuxuu i yiri nambrkaas waaye, waxaa iri yaa ka dambeeya, wuxuu i yiri waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo Qabyo, Ma Qabyada isla ogeyn, Qabyo waxaa ku ogeyn wax walba inay qabyo uga tagaan, bal fiiri hadduu mooshinka dhan yahay, dib buu u fiiriyay, wuxuu arkay saxiixyo la saxiixay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018, waxaa ku iri see ay isku waafaqeysa, wuxuu yiri, waxay arkayeen waxa soo socda sanad ka bacdo, waxaa ku yiri qalad kale maku jiraa, wuxuu yiri saxiixa waxaa ka maqan taariikhda, waxaa ku yiri sidee taariikhda qofka ku iloobay, waxaa ku iri maxaa kaloo ku jira, waxaa kaloo ku jira dad kaloo xanuunsan oo dibadaha jira oo aan ka warqabin waxa socda”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. – Jowhar News

Leave a Reply