Madaxweyne Farmaajo Oo Cadaadis Badan Ku Hayo Wasiirka Warfaafinta

 

14-04-2019

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Warar soo gaaray Warbaahinta Banaadir Weyne isla markaana kasoo gaaray ilo aad loogu kalsoon yahay ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu cadaadis aad u xoogan uu ku hayo Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele.

Warka wuxuu ku darayaa in cadaadiska uu ka dambeeyay markii uu Wasiir Daahir Maxamuud Geele uu Madaxweyne Farmaajo uu ka diiday in Radio Muqdisho iyo Telefishanka Qaranka laga sii daayo warar aanan ka run-sheegeyn waxyaabaha ka dhacayo Muqdisho.

“Aniga, marnaba ma ogolaanayo in Radio Muqdisho iyo Telefishanka Qaranka loo adeegsado marin habaabinta dadweyna Soomaaliyeed”, ayuu yiri Wasiir Daahir Maxamuud Geele mar uu la hadlayay Madaxweyne Farmaajo.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply