Madaxweynaha Sudan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Somaliya

22 Oktoobar, 2018

 

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta oo Isniin ah warqadaha aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Suudaan Cabdi Risaaq Axmed Shoole.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee dalka Suudaan Usama Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu adkeeyay rabitaanka Suudaan ee iskaashi dhex mara Dowladaha Soomaaliya iyo dalkiisa oo dhan walba ah, isagoo sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu balanqaaday in Dowlada Suudaan ay safiirka ka gacan siineyso sidii uu u gudan lahaa Howlaha loosoo igmaday.

Cabdi Risaaq Axmed Shoole Safiirka Soomaaliya ee Suudaan ayaa dhankiisa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo u mahad celiyay Madaxweyne Al Bashiir iyo shacabka Suudaan sida wanaagan ay u soo dhaweeyeen.

Shoole, ayaa hore u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Somaliya, Isagoo kamid ahaa dadkii ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo, xiligii uu ku jiray ololaha doorashada ee 8 February.

Dhinaca kale Madaxweyne Al Bashiir ayaa isla maanta Warqadaha aqoonsi ka guddoomay Safiirada dalalka Malaysia, Spain, Sri-lanka iyo Croatia. – Universal Somali TV

Leave a Reply