Madaxweynaha Koofur Galbeed oo safarkiisii laad doorashadiisa kaddib ku tagay Baraawe

 

10-09-2019

 

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose, halkaasoo ahCaasimada rasmiga ah ee Koofur Galbeed.

Wafdiga Madaxweynaha oo diyaarad ku tagay Baraawe ayaa waxaa wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ka tirsan Koofur Galbeed, iyadoo soo dhoweyn ay u sameeyeen maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo kan degmada.

Lama oga ujeedka socdaalka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaase jira warar sheegayaa inuu u kuur galayo xaalada magaalada iyo suura galnimada in loo soo guuro xarunta maamulka Koofur Galbeed, maadaama xilligan si KMG loogu shaqeeyo Baydhabo

Waa socdaalkii labaad uu Madaxweyne Lafta Gareen uga boxo magaalada Baydhabo tan iyo markii xilka loo doortay 19-kii bishii December ee sanadkii hore 2019, kaddib doorasho muran iyo xiisad hareysay oo ka dhalatay xariggii Mukhtaar Roobow iyo banaan baxyadii Baydhabo hareeyay.

Si kastaba Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo doorashadiisa kaalin ku laheyd dowladda Federaalka ayaa 16-ka bishan isu diyaarinaya Caleema saarkiisa, iyadoo ku soo aadeysa maalin Arbaco ah, waxaana la doortay Arbaco, halka xilka uu ku wareegay isla maalin kale oo Arbaca ah. – Jowhar News

Leave a Reply