Madaxweynaha K/Galbeed oo Magaalada Muqdisho kula kulmay Sarkaal katirsan Safaaradda Maraykanka

 

18/09/2019

 

Muqdisho – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Gudaha Safarada dowladda Mareykanka kula Kulmay Safiir ku xigeenka Dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Brian T. Neubert.

Waxaana ay wada waateen Shir saacado socday oo looga hadlayey sidii dowladda Amerika ay uga qeybqadan lahayd arimaha dib u dhiska hay’addaha dowliga.

Dhanka kale kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Danjire Brian T.Neubert ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeyey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Mareykanka sido kale shirka inta uu socday waxaa la iskula soo hadal qaaday sidii Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab loo Kordhin lahaa loogana saari lahaa Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya. – Somali Weyn News

Leave a Reply