Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Hay’adda IOM

 

11-11-2019

 

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatey Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM ayaa gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan ayagoo fikrado khaldan aaminsan, Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsanyihiin ee ay dadka ku gumaadayaan ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in isla xisaabtan dhab ah ay ku sameynayaan barnaamijkan, cida kashaqeysa iyo deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya si waxa la qabanayo uu u noqdo mid Soomaalida Anfacaya.

“Al-Shabaabka soo xaroonaya waa inay arkaan waxa markay duurka ku jireen ee ay dagaalamayeen ay aaminsanaayeen iyo waxa ay ka aaminsanyihiin dowladnimada ee ah wax diinta ka baxsan wax ka badalan sidaa daraadeed waa in loo helaa culimo diin ahaan ugu sharaxda farqiga xagjirnimada iyo Dowladnimada si ay u fahmaan khaladka ay kujiraan uguna tanaasulan dad laynta iyo fikradaha xagjirka” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland sida uu hadalka u dhigay. – Shaaciye News

Leave a Reply