Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha doorashada Jubbaland

 

29/05/2019

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo.

Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

Jubbaland ayaa waxaa ku soo socda xaalad doorashooyin ah oo waxaa la filayaa in Doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo.

Maamulka Jubbaland ayaa si wayn u adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo oo ah meesha loo qaban qaabiyay inay ka dhacdo doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi. – Universal TV Somali

Leave a Reply