Madaxweynaha Hirshabeella oo Guuddi Ka Kooban Wasiiro iyo Xildhibaanno u Saaray Dilka Shaqaale Caafimaad oo Ka Dhacay Gololey

 

30-05-2020

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasi oo baaritaanno ku soo sameynaya falkii 28-kii bishan lagu xasuuqay shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarun caafimaad oo ku taala Tuulada Gololey ee Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wareegto ka soo baxda Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, halka ku-xigeen looga dhigay Wasiirka Cadaaladda, waxaana guddiga oo isuga jira, Wasiiro, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe loo qabtay in muddo 30 cisho gudahood ay ku soo dhameeyeen baarista la xiriirta falka arxan darada ahaa ee lagu dilay sideed muwaadin oo dhallinyaro ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Waare ayaa tilmaamay in falka ka dhacay Gololey ay tahay mid ka baxsan beni’aadanimada iyo Soomaalinimada, loona baahanyahay in si deg deg ah looga jawaab celiyo ciddii falkaasi ka dambeysay cadaaladdana la horkeeno sida uu sheegay madaxweyne dowlad goboleedka Hirshabeelle Waare. – Goobjoog News

Leave a Reply