Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweyay Dalka Shiina

30/08/2018

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ergadii uu hoggaaminayay ayaa lagu soo waramayaa iney gaareen Magaalada Magaalo Madaxda Dalka Shiina ee Beijing.

“Waxaan goor dhaw soo gaarnay magaalada Beijing, halkaas oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wada hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping maalinta berri ah. Sidoo kale inta uu Shiinaha ku suganyahay Madaxweynaha ayaa waxa uu ka qeyb gali doona Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.”ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa had iyo goor lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply