Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Iyo Ergadii Uu Horkacayay Ayaa Gaartay Dalka Koofur Afrika + Sawiro

 

25-05-2019

 

Johannesburg (WBW: The GBM) – Dalka Koofur Afrika ayaa laga soo sheegayaa in ergadii uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ay xalay gaartay Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika kadib markii ay shalay ka duuleen Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka booqashada ee Madaxweyne Farmaajo iyo ergada uu horkacayabba, ayaa lagu sheegay iney tahay ka-qeybgalka caleemosaarka Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphos oo dhawaantan ku guuleystay doorasho qof iyo cod aheyd oo ka dhacday dalka Koofur Afrika.

Shalay ay aheyd markii uu Madaxweyne Farmaajo uu isku soo beegayay socdaalkiisa Koofur Afrika iyo xil ka qaadista iyo magacaabista Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir isla markaana uu ku kula sameynayay Xuseen Maxamed Nuur iyo Ibraahim Cumar Mahad Alle.

Markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Farmaajo uu bilaabo shaxda kor xusan, waxaa ay aheyd 23-dii Febraayo, sanadkii 2017-dii. Markaasi waxaa uu Wasiir Koowaad u magacbaay Xasan Cali Kheyre, kadibna wuxuu u duulay Sacuudi Caraabiya.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply