Madaxweynaha Dowladda Federaaliga Sooomaaliya Baa Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug (DAAWO)

 

16/05/2019

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaaliga Sooomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu xalay fiidkii weerar afka ah uu ku qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Ga-Mudug Axmed Ducaale Geele Xaaf mar uu Farmaajo ka hadlayay Dabaaldegga Sanad Guradda 76aad ee Dhisitaankii Ururka Dhalinyarada Soomaaliya ee SYL (Somali Youth League) isla markaana lagu qabtay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo waxaa kale uu arrimaha ka jiro Dowlad Goboleedka Gal-Mudug uu ku tilmaamay sida qof xanuunsan oo ay tahay inuu maro seddex marxaladood sida;

  • In marka hore Isbitaal la geeyo
  • In la ogaado xaalkiisa
  • In la baaro
  • In kadibna daawo la siiyo

“Daawadii waxaa iska diiday Madaxweyne Xaaf’,” ayuu sii yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dad badan oo aqoonyahaano ah oo la socday weerarkii afka ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo uu xalay fiidkii uu ku qaaday Madaxweyne Xaaf, ayaa waxaa usoo baxday in Madaxweyne Farmaajo uu iska fogeynayo waxa isaga haaysto isla markaana uu la dul dhacayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, sida Cilmi Nafsigaba (Psychology) laga bartay.

Halkan Hoose Ka Daawo Weerarka Afka Ahaa ee Farmaajo Ku Qaaday Xaaf, Iyadoo Laga Soo Xigtay Wadani News

 

Run ahaantii, dalka Soomaaliya waxaa ka maqan xeerar hawlaha ka fariisin karo Masuuliyiinta Sarsare, gaar ahaan marki ay maskaxdooda ay wax u dhiman yihiin.

Hadii xeerarkaasi la qaato, lana dhaqan-geliyo, waxaa hubaal ah in la heli doono hogaamiye fiyoow.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply