Madaxweyn Dowladda Soomaaliya Ayaa Danjire U Magacaabay Dalka Sacuudiya

 

29-05-2019

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Wareegto uu maanta soo saaray Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiiro Dowlihii Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Dowladda Soomaaliya Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir uu maanta wixii ka dambeeyo uu noqon doono Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Sacuudi Caraabiya.

17-dii Agoosto, sanadkii 2018 ay aheyd markii danjiraha maanta la magacaabay uu Magaalada Makka uu kula kulmaayay Wasiirkii Xajka iyo Cumrada ee Dalka Sacuudi Caraabiya Dr. Maxamed Saalax, isagoo markaasi ahaa Wasiiro Dowlihii Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Soomaaliya.

Maanta wuxuu noqday Danjiraha Soomaaliya ee Sacuudi Caraabiya, iyadoo Farmaajane uu isla maanta u dhoofay Dalka Sacuudiya Caraabiya.

Todobaadkii hore ay aheyd markii uu Madaxweyne Faraamjo uu xilka ka xayuubinayay Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur isla markaana u magacaabayay Ibraahim Cumar Mahad-Alle; kadibna ow usii jiheysanayay Caleemosaarka Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa ee Dalka Koofur.

Markii ugu horeysay ee uu sameeyo magacaabis, kadibna uu horay ka dhoofo waxaa ay aheyd 23-dii Febraayo, sanadkii 2017-dii; markaasna waxaa uu Wasiir Koowaad u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Weydiinta waxey tahay: maxaa isku aadiyo ama isku beego xilka qaadista iyo magacaabista ama magaacaabista uu sameeyo Madaxweyne Farmaajo iyo dhoofitaankiisa?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply