Madaxda ugu sareysa oo Caawa dalka ka maqan & Su’aal ka dhalatay

 

11-11-2019

 

Waxaa Caawa dalka ka wada maqan Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta gaarey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu uga qeyb-galayo Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shalay Muqdisho ka baxay ayaa Galabta Gaaray Faransiiska,isaga oo ka qeyb-galaya Shirka Nabada Paris,halka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu isagana tegay Magaaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa ku sugan dalka Koonfur Afrika oo Khamiistii uu tegay,isaga oo ka qeyb-galay khudbadna ka jeediyey Shirka Duq Magaalooyinka Caalamka.

Dad badan ayaa su’aalo iska weeydiiyey cida ah kusimaha Madaxweynaha,hayeeshee uu yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey halka kusimaha Guddoomiyaha Golaha uu yahay Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad.

Si kastaba maqnaanshaha ay dalka Caawa ka wada maqan yihiin Madaxda ugu sareysa dalka ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli shalay Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in Madaxda Dowladda dagaal uga saarayaan dalka, kadib qashqashaad lagu sameeyey xilli isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku wajahnaayeen Beledweyne. – Radio Risaala

Leave a Reply