Madaxda M/Goboleedyada Oo Kulamo Ka Wada Kenya

 

9 Oktoobar, 2018

 

Nairobi – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ku warramaya in qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo halkaasi ku kulmay uu uga socdo kulamo siyaasadeed oo ku qotoma khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxda dowlad goboleedyada ee kulamada siyaasadeed ka wada Kenya ayaa waxa ay kala yihiin Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmeed Madoobe iyo Madaxweynaha Putnland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafkan ayaa waxaa jiray kala fogaansho u dhexeeyay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Illaa iyo hadana ma muuqdo qorshe cad oo wax looga qabanayo khilaafkaasi oo saameyn ku yeeshay guud ahaan dalka. – Shabelle Media Network

Leave a Reply