Madaxda Galmudug Oo Wada Qorshe Muhiim Ah Oo Looga Hortegayo Cudurka COVID-19

 

28-03-2020

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxda sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ay wadaan qorshe lagu xakameynayo qaadka oo Dowlada Faderaalka horay u mamnuucday balse la xusay in laga soo geliyo dhanka Itoobiya.

Laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka ee ka howlgala halkaas ayaa waxaa lagu wargaliyay in ay xiraan xuduudka gaar ahaan meelaha lagu tuhmayo in ay mariinka u yihiin gaadiidka qaadka keena.

Sidoo kale magaalooyin ay Guriceel ka mid tahay ayaa waxaa ka socda wargalino lasiinayo ganacsatada qaadka keenta oo lagu amray joojinta ganacsigaasi inta Dowladda Soomaaliya ay war dambe ka soo saarayso oo ku aadan qaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus oo haatan kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka. – Radio Dalsan

Leave a Reply