Madaxa Xukuumadda Galmudug Oo La Kulmay Xildhibaano Ka Tirsan G/Shacabka

 

10-09-2019

 

Dhuusamareeb – Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay kulan la qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Shaakir ayaa la kulmay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Musharax Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoo ka wada hadlay howlaha dib u heshiisiinta loogu sameeynayo beelaha dega deegaanada Galmudug ee ka socda Dhuusamareeb.

Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka ee Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawa ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay. Sidoo kale Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Xildhibaanada ku booriyay in ay ka qeyb qaataan hormarka Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Inta badan Masuuliyiinta hadalada ka jediyay Shirkaan ayaa waxa ay aad uga waramayeen cimilada hawada wasaqaysan iyo siddi xal lagu heli lahaa.

Dhanka Dawladda Soomaaliya oo ay u hadashay Danjire Faaduma Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegtay in Wasaqowga Hawada loo baahan yahay in hoos loo dhigo, si loo abuuro fursad lugula Soo baxo Kheyraadka, loona kordhiyo Awoodda Tamarta .

Shir waynaha Qaramada midoobay ee xaalufinta deegaanka iyo hoos udhigida abaaraha dhulka ay saameeyaan ayaa waxa uu socon doona ilaa 13ka September, iyaddoo lagu gorfeyn doono Arrimaha deegaanka iyo isbadalka cimilada. – Somali Weyn News

Leave a Reply