Madaale Oo Dhaliilay Maqaam U Sameynta Magaalada Muqdisho

 

02-06-2020

 

Muqdisho – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo wareysi siiyey Idaacada Shabelle ayaa si weyn u dhaliilay kuraasta 7 xubnood ee loo qoondeeyey in Muqdisho ay ku yeelato Aqalka Sare ee BF Soomaaliya.

Madaale ayaa tilmaamay in arrintaasi ay tahay qalad hor leh oo laga galay caasimadda oo ay ku nool yihiin in ka badan saddex million oo dad ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maqaam u sameynta Muqdisho ay noqon doonto caqabad ama xeen-daab aan laga gudbi karin, sida uu hadalka u dhigay. – Radio Shabelle

Leave a Reply