Maamulka Magaalada Marka Oo Walaac Ka Muujiyay Go’doon Ay Ku Jirto Magaaladaasi

 

18-04-2019

 

Marka ( SMN) – Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdullaahi Waafow ayaa walaac ka muujiyay wax uu ku sheegay Go’doon ay ku jirto Magaaladaasi.

Waafow ayaa hoosta ka xariiqay in waddooyinka soo gala Magaalada Marka ay jareen Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab , sidaas daraadeedna ay dowladdu wax ka qabato arrintaasi.

Waxa uu xusay Guddoomiye Waafow in go’doonka saaran Magaalada Marka ay saameyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqii Guud ee Magaaladaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaalia ayaa kol hore la wareegay gacan ku heynta Magaaladaasi Marka kadib markii laga saaray dagaalamayaasha Al Shabaab ee halkaas ka arriminayay.

Leave a Reply