Maamulka Hiiraan Oo Awaamiir Dul Dhigay Shacabka Deegaanadaasi

 

16-05-2019

 

????????????????????????????????????

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmad Hagar (Dabageed) ayaa sheegay inay la bilaabayo dhismaha Buundada Deegaanka Ceel-Gaal ee duleedka Magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, taas oo burbur xoog leh soo gaaray kadib markii Roobab Mahiigaan ah ay ka da’een halkaasi.

Gudoomiye Yuusuf ayaa shacabka ku dhaqan Deegaankaasi usheegay in la hakin doono gebi ahaanba isu socodka Dadka iyo Gaadiidka inta lagu guda jiro dhismaha Buundada.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo xubno katirsan Maamulkiisi ayaa shalay gaarey Deegaanka Ceel-Gaal waxaa ayna dadka deeganka ku wareejiyeen qalabkii lagu dhisi lahaa Buundada.

Buundadan ayaa muhiim u ah isku-socodka Gaadiidka Xamuulka ah ee iskala goosha Goboladda dhexe iyo Waqooyiga Soomaaliya, hadii la dayactirana waxaa ay noqonaysaa faa’iido usoo hoyatay Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Deegaankasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply