Maamulka gobolka Hiiraan iyo Ganacsatada oo shir deg deg ah ku yeeshay Beledweyne

 

15-03-2019

 

Maamulka gobolka Hiiraan iyo ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa shir deg deg ah uga socda xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa ganacsatada kala hadlaya muranka siyaasadeed ee ka jira wadada isku xerta Beledweyne iyo Matabaan.

Gudiga Gaadiidleyda ka shaqeeya gobolka Hiiraan ayaa shalay ku dhawaaqay in ay shaqo joojin sameeynayaan kadib markii ay maamulka degmada Matabaan ay sheegen in ay canshuur ka qaadayaan gaadiidka ku sii jeeda magaalada Beledweyne, halka uu ku gacan seeray gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed.

Dhanka kale shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa malmihii la soo dhaafay xaga maciishada ay ku sii kordheysay maadama ay xerneed wadada isku xerta Beledweyne iyo Boosaaso oo inta badan ganacsiga Beledweyne ku xiranyahay. – Hiiraan Xog

Lama oga waxa ka soo bixi doono shirka ka socda magaalada Beledweyne oo u dhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan iyo Ganacsatada gobolka Hiiraan oo cabasho ka ah canshuuradka lagu soo kordhiyay. – Hiiraan Xog

Leave a Reply