M/weyne Muuse Biixi oo ka hadlay kulankii uu la qaatay Farmaajo iyo safarka Hargeysa

 

18-02-2020

 

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbada Madaxweyne ee sanadlaha ah u jeedinayay Xubnaha labada Gole ee Soomaaliland ayaa waxaa uu ka hadlay kulankii uu Addis Ababa kula qaatey Madaxweynaha Soomaaliya & wararka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo tagayo Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa u sheegay in 9-kii bishan uu Addis Ababa u tegay ka qeyb-galka Shirkii Madaxda Afrika, hayeeshee markii uu dhamaadey uu si kedis ah Xafiiskiisa isugu kulan siiyey Ra’iisul Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweyne Farmaajo una sheegay in ay doonayaan inay wada hadlaan.

“Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa isoo wacay iguna marti qaadey Xafiiskiisa, wuxuuna si kedis ah iila kulansiiyey Farmaajo. Saddexdeena waxan galnay shir aan horay u sii ogeyn oo aan u diyaar garoobin. Waxaan ka hadalnay oo anjende ah majirin balse kulan kaliya ayay aheyd”, ayuu yiriMadaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka hor kulankaas kooban ee uu Addis Ababa kula qaatey Madaxweyne Farmaajo ay jireen madax ka socotay dalalka, Turkiga, Sweden iyo Jabuuti oo ka codsadey in dib loo bilaabo wada-hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland isaguna uu aqbalay.

Sidoo kale waxaa uu Muuse Biixi soo hadal qaadey raali gelintii 13-kii bishan Madaxweyne Farmaajo ka siiyey Shacabka Soomaaliland duqeyntii dadka Shacabka ahaa lagu diley ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka geysatay magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay in uu aqbalay raali gelintaas.

Khudbadda maanta ee madaxweyne Muuse Biixi oo aad u dheereyd ayuu sidoo kale kaga hadlay warar ka Maalmahaan soo baxayay ee sheegayay in Madaxweyne Farmaajo uu tagayo Haregyso, waxaana uu sheegay in aan waxba ka jirin isla markaana hadaladaas ay yihiin kuwo dhaawacaya wada-hadallada u bilaawdey.

“Bshaan 13 keedii ayaa waxaa dhacdey arrin aan fileyn oo aheyd kedis in Farmaajo uu ka bixiyey Raali gelin duqeyntii Somaaliland loo geystay Xasan Sheekh marbuu sii dulmaray wixii dhacay laakin Farmaajo waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Raali gelin bixiya waana ka aqbalnay”, ayuu yiriMuuse Biixi.

Bulshada ayaa si weyn u sugayeen wixii ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi, waxaana xusid mudan in labada dhinac aysan weli wax faah-faahin ah ka bixin kulnkii ku dhex maray Addis Ababa iyo waxa ay kaga wada hadleen. – Calanka Media

Leave a Reply