La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha oo digniin adag u diray Xafiiska QM ee Soomaaliya

08-11-2018

 

Cabdi Saciid Muuse Cali oo ah La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si lama filaan bartiisa Twitter-ka ugu soo qorey digniin culus oo ku socoto xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Cabdi Saciid ayaa u muuqda inuu ka caroodey qoraalka ka soo baxay Xafiiska UNSOM, xili ay jiraan khilaafaad waaweyn oo dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada.

Qoraalka Cabdi Saciid ku soo qoray bartiisa Twitterka ayaa jawaab u ahaa war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Niccholas Haysom oo looga hadlay arrimaha doorashooyada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Sida ka muuqatay hadalka Villa Somalia dhibsatay ee ku jirtay War Saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa sidan u qornaa:- “Doorashadan waa mid kamid ah doorashooyin ka dhici doona dalka kuwaasoo isugu jira heer dowlad goboleed iyo mid Federalba 2020 ugu horeeyay ee laga qabo dalka, waxaa looga baahan yahay inay u dhacdo si nabad ah oo hufnaan leh.”

“Ha soo faragelinina arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dabeecadan ma soo dhoweyneyno”ayuu yiri Cabdi Saciid.

Jawaabta Cabdi Saciid ee ka dhanka ah baaqa Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa ku soo aaday saacado kaddib, markii uu is casilay Shariif Xasan, kaasoo ka tanaasulay tartanka doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso doorashada Koofur Galbeed, iyadoo la sheegay inay taageereyso Musharaxiin.

– Jowhar News

Leave a Reply