Kulanka Golaha Shacabka Oo Furmay & Wasiirada Oo Ku Sugan

 

08-12-2019

 

Waxaa Goordhaw furmay kulankii gaarka ahaa ee Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay su,aalo ku weydiinayaan Wasiirka Amniga Maxamed Abuur Isloow Ducaale iyo Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar). Waxaa sidoo kale kulanka ku sugan Taliyaha Ciidanka Booliska Xasan Maxamed Xijaar.

Kulanka waxaa shir guddoominayo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Sheekh Muudey, waxaana goobjoog ka ah oo soo xaadiray 120 mudane.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Wasiirada waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xayiraadii Madaxweynayaashii hore iyo qodobo kale oo quseeya Shaqadooda. – Radio Risaala

Leave a Reply