Kulan lagu xalinayo Qilaaf u dhaxeeya dalal ku yaal Afrika oo ka furmaya Angola

 

13/07/2019

 

Madaxweynaha Rwanda iyo dhigiisa Uganda ayaa balan qaaday in ay ku kulmi doonaan dalka Angola si loo dhameeyo qilaafka u dhaxeeya labada Wadan.

Madaxweyne Paul Kagame iyo Yoweri Museveni, oo mar ahaa saaxiibo ayaa sanadkii hore weerar dhanka afka ah isugu qaaday iyaga oo adeegsanaya Warbaahinta.

Hogaamiye yaashaan ayaa mid ba mid kale ku dhaliilay in uu ku soo xadgudbay qaranimada iyo siyaasada Dalkiisa.

Arintaan ayaa saameyn ay ku yeelatay dhaqaalaha iyo isku socodka wadamada Rwanda iyo Uganda.

Bishii May ayey aheyd markii booliska Uganda ay ku eedeeyeen Milatariga Rwanda in ay ka soo talaabeen xadka deetana ay dileen laba Hablood.

Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa shir looga hadlayo amniga ku casuumay Kagame, Museveni iyo madaxweynaha sanadkaan la doortay ee Congo Felix Tshisekedi.

Shirkaan ayaa ka dhici doona magaalada caasimada ah ee Luanda ee dalka Angola. – Universal TV Somali

Leave a Reply