Kulamo Ay Yeesheen Madaxweyne Axmed Ducaale Geele (Xaaf) Iyo Senatoor Muuse Suudi Yalaxow

 

15/05/2019

 

Nayroobi (WBW: The GBM) – Warar soo gaaray Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]), kana soo gaaray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Keenya ee Nayroobi waxaa ay sheegayaan in kulamo gaar ah ay wada yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf iyo Senatoor Muuse Suudi Yalaxow.

Arrimaha ay ka wada-hadleen ayaa la sheegayaa iney ugu weyneyd guud ah Siyaasada iyo Amniga Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaana Xuquuqda ka maqan Bulshada Weynta degto Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho; iyo sidi ay Bulshada Weynta Muqdisho ay xuquuqdoda ku heli lahaayeen maadaama ay Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay diidan tahay Xuquuqda Bulshada Weynta Muqdisho.

Sabtidii (11-05-2019) ay aheyd markii uu Madaxweyne Xaaf uu iskaga tagaayay Magaalada Garoowe, kadib markii uu shirka lixda maalmood u socday Madaxda Dowladda Federaaliga Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya uu fashil ku dhamaaday.

Madaxweyne Xaaf ayaa u waramay Wariyaha VOA-da Laanteeda Af Soomaaliga Wariye Nuux Muuse Birjeeb kahor intii uusan u duulin Magaalada Nayroobi maalintii Sabtida aheyd oo ay taariikhduna aheyd 11-dii Maajo 2019.

Dhageyso warbixinta Shirki Garoowe By VOA Somali

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply