Kooxo Hubeysan Oo Saddex Qof Ku Dilay Ceelasha Biyaha

 

15-04-2019

 

Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ku warramaya in xalay fiidkii hore rag hubeysnaa ay rasaas ku fureen gaari la sheegay in ay la socdeen dad rayid ah.

Gaariga oo ahaa Kaarib, islamarkaana ay saarnaayen illaa saddex ruux ayaa yiilay agagaarka Isgoyska Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in dhammaan dadkaasi ay dhinteen.

Kooxaha weerarka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, walow aan la ogeyn heybtooda.

Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dhacdadaasi.

Balse arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe Ciidanka dowladdu ay howlgallo ka wadeen Ceelasha Biyaha, waxaana saraakiisha hoggaamineysay howlgalladani ay shaaciyeen in deegaankaasi laga soo abaabulo weerarada Muqdisho.

Leave a Reply