Kooxo Hubaysan oo Magaalada Afgooye ku dilay mid ka mid ah ergadii soo xushay Xildhibaanada

 

18-11-2019

 

Afgooye – Dabley hubeysan ayaa caawa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku dishay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee lagu soo doortay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun, waxuuna u geeriyooday rasaas ay la dhaceen koox dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado salaadii makhrib kadib.

Dableyda dilka u geysatay marxuumka oo tiradooda lagu sheegay laba ruux ayaa goobta is kaga baxsatay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa xilliga uu dilku dhacayay.

Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa caawa xaafadaha kala duwan ee magaalada ka wada baaritaano ay ku doonayaan inay gacanta ku soo dhigaan dableydii dilkaas geysatay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas ka tirsanaa ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. – Somali Weyn News

Leave a Reply