Kooxda Macawiisleyda oo sheegay inay sii daayeen Maxaabiis Shabaab ugu xirnaay Gobolka HIiraan

 

24/06/2019

 

Buulo Burde – Kooxda Macawiisleyda ee ka dagaalanta Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, ayaa sheegtay inay sii daayeen tiro maxaabiis ah oo Shabaab ugu xirnaa deegaano hoostagga Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan Kooxda Macawiisleyda ayaa warbaahinta u sheegay weerar ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Shabaab oo hoostagta Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan inay ku furteen maxaabiistaan.

Saraakiisha Macawiisleyda waxa ay sheegeen dadka maxaabiis ahaanta uga badbaadiyeen Shabaab inay gaarayaan illaa 30 ruux.

Dadkaasi ayeey sheegeen inay ahaayeen beeraleey Shabaab u xirnaa, balse ay badbaadiyeen.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Kooxda Macawiisleyda oo xaqiijinaysa sheegashada ku aadan inay sii daayeen maxaabiis Shabaab ugu xirnayd Gobolka Hiiraan.

Macawiisleyda iyo Shabaab ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal culus, waxaana Kooxdaan ay yihiin dad shacab ah oo isku aruursaday dagaalka Shabaab. – Universal TV Somali

Leave a Reply