Kiiskii 2-aad ee Coronavirus oo Soomaaliya Laga Helay

 

26-03-2020

 

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowsiyo Abiikar oo goordhow shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in magaalada laga helay kiiskii 2-aad ee qof qabo Coronavirus.

Muwaadinkan oo ka yimid dibadda waxaa uu ku jiraa dadka la karantiilay ee ku jira gacanta dowladda federaalka ah iyada oo intaas raacisay in xaaladdiisa ay hadda degan tahay.

Salaanta in la yareeyo, in gacmaha la dhaqo iyo wacyigelin guud ayey ku baaqday wasiiradda. – Goobjoog News

Leave a Reply