Kiisas Cusub Oo Coronavirus Ah Oo Dalka Laga Diiwaan-Geliyey

 

27-05-2020

 

Muqdisho – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga diiwan-geliyay 22 kiis oo cudurka Covid-19 ah.

War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 14 kiis laga helay Somaliland, gobolka Banaadir 5, Jubbaland 1-qof, Koofur Galbeed 1-qof iyo Hirshabeelle oo 1 ruux laga helay taas oo caddeyneysa in Gobolka Banaadir tirada cudurka uu soo ridanayo ay hoos u dhacday, halka uu kusii fidayo gobolada dalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in illaa 18 ruux ay ka bogsatay cudurka 1 ruuxna uu u geeriyooday.

Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa gaartay 1711, waxaa sidoo kale ka bogsaday 253, halka ay u geeriyoodeen 67 ruux. – Radio Shabelle

Leave a Reply