Khasaaro Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

02/12/2018

 

Muqdisho – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax culus oo galabnimaddii maanta oo Axad ah ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka dhinaca degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, halka uu dhaawacyo kasoo gaarey labo ruux oo kale, kuwaasi oo shacab ahaa.

Shaqsiga dhintay oo magaciisa lagu sheegay Saacid Xuuke Jaamac, ayaa ahaa Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ee xukuumada Soomaaliya.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda qaraxaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah ka fulisa magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ee dowlada Soomaaliya oo soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa saacado hakad geliyay isu socodka oo kolkii dambe si caadi ah kusoo noqday.

Xukuumada Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan hadlin qaraxaan iyo masuulka la tilmaamay in lagu dilay. – Radio Shabelle

Leave a Reply