Khasaaro ka dhashay qarax kale oo ka dhacay Magalada Muqdisho

 

22-05-2019

 

Sida ay sheegayaan Wararka nasoo gaaraya qarax khasaaro geystay ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada u dhaxeysa Ex-Koontorool Afgooye iyo Isgoyska Xoosh ee degmada dharkeenley Gobolkan Banaadir.

Qaraxa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu ahaa miina nooca dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, iyada oo uu ku geeriyooday hal qof oo Shacab ah, isla markaana uu ku dhaawacmay askari Boolis ah.

Qaraxa kadib Ciidamada ayaa riday rasaas farabadan taas oo aan geysan wax khasaaro ah, waxaana mudo saacado ah hakad galay isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada u dhaxeysa Isgoysyada Xoosh iyo Ex-Koontorool Afgooye wallow markii dambe dib loo furay.

Waa qarixii labaad ee maanta oo Arbaco ah ka dhaca Magalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in qarax Ismiidaamin ah uu maanta ka dhacay Bar-koontorool oo ku taalla Agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. – Radio Risaala

Leave a Reply